Somali Motivation podcast

At the heart of the Somali Motivation Podcast lies a profound mission: to uplift, inspire, and catalyze personal growth in the lives of our listeners. With a steadfast dedication to mental health awareness and domestic abuse awareness, our podcast embraces vulnerability, encourages healing, and fosters resilience within the Somali community and beyond. Through heartfelt conversations, expert insights, and shared experiences, we create a warm and welcoming space where every voice matters. Join our transformative journey as we embark on a quest to empower our community, spark meaningful change, and weave a tapestry of hope and strength. Together, we can make a difference, one episode at a time.

Episodes

Sep 1, 2019

13 min

MA OGTAHAY IN AY GUULDARADU TIMAADO KALIYA MARKA AAD JOOJISO ISKU DA'AYGA.halkan maanta waxaan si kooban ugaga hadalaynaa sababaha keena in aan guul daraysano guud ahaan oo aan ku soo koobay 8 qodob. ku soo dhawaada barnaamijkeena dhiirigalin iyo somali motivation podcast, waxaana idinla socodsiiya usbuuckasta aniga oo Istahil Aideed.

Aug 2, 2019

46 min

Kaltun Osman Rivers Waa Hooyo iyo Hogaamiye la Hiigsado Cllr Kaltum Banday. Halkan ka dhagayso waraysigii na dhex maray oo xiiso badan. #sidoo kale eeg #su'aasha ay kaltuun aniga laftigayga i waydiisay. ka dhagayso #Itunes #applepodcast #spotify #youtube waraysigu waa arimaha bulshada, guusha, dhiirigalinta iyo sida shaqada qaarkeed aan uga kirbirno. Somali Motivation Podcast

Jul 19, 2019

14 min

Waa 14 sanno jir ka soo tahriibay tuulo kutaala koonfurta Soomaliya. waxa uu soo arkay dumar & la Kufsaday, jidhdiley iyo qaar macaluul u dhintay. Ilmo yar ama qof dhalinyaro ah sidee ayay maskaxdiisu u qaadi kartaa isla markaana uga sheekayn kartaa dhibaatadaas soo martay oo samaysay fayoobantiisa iyo guud ahaanba noloshisa, dhagayso waraysigan.

Jul 9, 2019

5 min

Sidee ayaad kalsoonidaada kor ugu qaadi kartaa…………..Ma waxaad tahay qof isku kalsoon mise mid isla wayn oo awoodiisa maskax ahaaneed iyo qofnimaba buunbuuniya. Kalsoonidu waxay kordhisaa jaaniska guusha nololeed halka ay isla waynaantu tahay mid horseeda burburka iyo guuldarada.

Jun 30, 2019

24 min

Waraysigan ayaa ku qotoma hiigsashada iyo doorka uu rolemodelka ama qofka aad hiigsato ee aad jeceshay in aad ku dayato si aad u gaadho hadafkaaga nololeed iyo qorasha kuu degsanba.

Jun 15, 2019

11 min

Kalamada maanata saldhiga u ah mawduuceena waa Self-Sabotage, ama in aad adigu dhabarka iska toogato, guushaasda iyo fikirkaagaba aad lugta qabato. iyo saddex ka mid ah sababaha keena in uu qofku sidaas sameeyo. 

Jun 10, 2019

6 min

Si xun u fekerku waxa uu dhibaateeyaa noloshaada guud ahaan gaar ahaan cafimaadkaaga maskaxeed iyo jidheedba. wuxuu saameeyaa oo kale goaan qaadashadaada nolololeed iyo habdhaqankaagaba. sideed u badali kartaa si aad wax walba dhanka wanaagsan uga eegto. Dhageysi wacan, mahadsanid. 

Jun 10, 2019

4 min

Dhiirgalinta goorma ayay timadaa, goorma ayuu qofku dhiiranaan dareemaa, mase tahay runtii muhiin. marka ay dhiranaantii iyo xiisihii ka ba'aan sideed yeelaysaa ama aad hawlahagii ku sii wadan kartaa. maqalka u horeeya ee podcast keena waxaan idinku sheegi doonaa in aad u baahan tahay dhisibiliin kaas oo ka awood badan dhirigalinta. Mahadsanid dhagaysi wacan. 

Copyright 2019 All rights reserved.

Podcast Powered By Podbean

Version: 20241125